Waxaa magaalada garowe soo gaaray boqor burhaan waxaana uuna ka qaybgalaya shir ay isimadu ku balansan yihiin inay kaga hadlaan xaalada ka taagan puntland sida wararka hoose ay sheegayaan shirkaan waxaa balamiyay siyaasiyiinta mucaaradka oo raadinaya in xal loo helo hubanti la’aanta doorashada, isimada puntland ayaa kukala jaban xal u helida xiisada ka taagan doorashada puntland, dhowaan ayay ahayd in mucaaradku cadeeyeen mowqifkooda siyaasada sidooakale madaxweynaha ayaa isna cadeeyay in doorashadu ku dhacayso qof iyo cod xalayna waxaa mowqifkooda cadeeyay xisbiyada kala ah sincad iyo ifiye iyagoo soo saaray in doorashadu noqoto baarlamaani oo baarlamaanka uu shacabku soo doorto, halka xisbiga mustaqbal uu isna moqifkiisa ku cadeeyay in doorashadu ku dhacdo qof iyo cod aana loo laaban karin doorasho qarsoodi ah oo 66 xildhibaana, sikastaba ha ahaate doorashada puntland ayaa dhicijirtay 8/1/20 shantii sanaba mar lakiin sanadkaan waxaa jira hubanti la’aan siyaasadeed oo dhanka madaxweynaha ah oo uu rabo inuu mudo kordhis samaysto