Madaxweyne Deni oo wada hadal ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ah

Madaxweynaha dowladda puntland mudane siad cabdulahi deni ayaa wada hadal ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ka aragti duwan baaqaas wada hadal ka ah ayaa uu ka sheegay shalay maruu booqanaayay tuulada beeraha ku caana ee caano askax oo ka mida degaanka gobolka nugaal sidookale wuxuu cafis u fidiyay ciidamadii ka aragti duwanaa oo uu ugu horeeyo general jimcaale, hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xili uu beesha caalamka kula kulmay garowe oo ay ugu baaqeen wada hadal inuu la galo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ka soo horjeeda isagoo fulinaya balantaas ayuu shalay ku dhawaaqay inkastoo hadalada uu sheegay aysan is haysan, waxaana ka mida wuxuu yiri waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta wada hadal diyaar baanu u nahnay hadaanu nahnay madaxtooyada meelkasta ay dhahaan wada hadalka diyaar baan u ahay xataa haday ligle dhahaan hadalkaas dadku waa soo dhoweeyeen, laaakiin wuxuu gadaal ka raaciyay anigu xisbiga kaah baan ahay si maxaliyaan u tartamayaa oo qof iyo coda mana aqbalayno waxaan qof iyo cod ahayn, marka dadka siyaasiyiinta ah oo falaaqeeya siyaasada waxay sheegeen odaygu inuu hadalka uu ogolaaday inuu culays iskaga ridaaye mahan ka dhab oo wali wuxuu taagan yahay meeshi uu taagna in taan beesha caalamku u imaan. sikastaba puntland waxay ku jirtaa hubanti la’aan doorasho