Maxaa laga filayaa shirka shalay ka furmay magaalada garowe?

Sidaan wada ognahay waxaa magaalada garowe ka furmay shir ay iskugu yimaadeen qayb ka mida isimada puntland oo uu ugu horeeyo boqor burhaan boqor muuse iyo suldaan garaase shirkaas oo galay maalintii labaad ayaa hadda uga socda hotelka grand ee magaalada garowe waxaana lagaga hadlayaa arimaha doorashada puntland oo laysku marin layahay qaabkay u dhacayso sidaan warar hoose ku helnay isimadaan waxay taabacsan yihiin mucaaradka waxayna rabaan maalmaha soo socda inay soo saaran qaabka doorashada lagu galaayo oo ah in 66 xildhibaan la’aado waxayna bayaankooda ku cadaynayaan inaan wax doorasha ah oo qof iyo cod ah dalkaan ka dhicikarin iyagoo sabab uga dhigaya in waqtigu yar yahay mar hadii waqtigu yaryahayna aan loo baahnayn firaaq dastuuriya oo dhibaato ka dhalato, hadii ay go’aankaan soo saaraan waxay taageero u tahay siyaasiyiinti mucaaradka ah oo horey u soo saaray warmurtiyadeed ah in dalku ka dhicikarto doorasho 66 xildhibaan ah kaliya oo sidii hore ah. waxaa xusid mudan in shirkaan uu ka maqan yahay islaam ciise iyo islan bashiir oo ka soo kala jeeda gobolka nugaal iyo mudug siday warar hoose sheegayaan waxay kaga maqan yihiin mucaarad oo waa ka aragti duwan yihiin isimadaan shirka uga ocdo nugaal. sidookale waxaa shirarku jira isimada goolka bari oo iyagana maalmahan la tashanaayay bulshada qaybaheeda kala duwan oo iyaguna la filaayo inay go’aan soo saaridoonaan sikastaba ha ahaate hadii go’aanadan iskhilaafan waxaa dalkaan ku dhicikara khilaaf gacan ka hadala iyadoo la ogyahay in bosaso iyo gorowena uu dagaal gacan ka ahadala uu ka dhacay, madaxweyne sicid dani ayaa markaas laga sugayaa go’aan qaadasho uu xal ku keenaayo.