Mucaaradka puntland ayaa tobankii bishaan shirweyne ku qabtay magaalada garowe ee caasumada puntland shirkaas oo daaranaa in lagu cadeeyo mow qofkooda arimaha doorashada, waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin xilal badan ka soo qabtay puntland iyo somaliya, bulshada qayba heeda kala duwan wararka ay soo heshay wargalnews ayaa ah mucaaradku inay rabaan doorashada 66 xildhibaan sababtuna waxay ku sheegeen inaan xiligaan laga gaarikarin doorasho dadweyne dowladuna rabto mudo kororsi dowladda ayay ku eedeeyeen inay waqtiga kulumisay musharaxnimadii madaxweynuhu uu isku sharaxay somaliya sidaas daraadeedna aysan waqtigaan ka gaari karin sidookale mucaaradka dowladda siciid deni wax wadahadala oo miiska la soo wada fariisto waa diiday xogaha hoose ee aan helnay ayaa ah in deni haduu la fariisto mucaaradka ay waxbadan ka wada heshiin karaan, sababta uu dani uga cararaayo waxaa weeye in mucaaradka qaybi ku xiran tahay dowladda federaalka ah oo aan xiriir fiican ka dhaxay dowlad goboleedka puntland, mucaaradka puntland waxay u raban 66 xildhibaan waa qolyo aan ku kalsooni qabin shacabka puntland inay codwaydiistaan madaama ay yihiin niman aan hortagi karin shacabka kuna kalsooni qabin aqoontooda iyo khibradooda shaqo madaama ay ka kaluumaysan jireen niman aan aaqoon lahayn oo odayaal soo xuleen, skastaba ha ahaatee hubanti la’aanta doorasho ayaa khatar ugu jirta dhibaato soo wajahda maamulka puntland oo uu hogaamiyo hadda madaxweyne deni isaga oo marwalba dagaal karida puntland laga baaqsan karo lakin ka qoomameeyay markuu dagaalku dhaco oo khasaare dhaco.