Boqor Burhaan boqor Muuse ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ku aqoonsatay Maamulka SSC-Khaatumo.
Boqor Burhaan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay go’aankaas taariikhiga ah oo ay ku aqoonsatay SSC-Khaatumo islamarkaana hay’adaha Caalamiga ah ugu baaqday in ay la shaqeeyaan.
“Waxaan uga mahad celineynaa go’aanka ay gaadhey Dowladda federaalku ee wada shaqeynta iyo weliba baaqa ay u direen hay’adaha caalamiga ah in ay la shaqeeyaan SSC-Khaatumo” ayuu yiri boqor Burhaan boqor Muuse.
“Waxaan Shacabka iyo maamulkooda ugu baaqi in ay midnimadooda adkeystaan’ Waxaad halkaas ku gaarteen waa midnimo,waxaa la idinka doonayaa in nabadda iyo xasiloonida allaah ina siiyey aan rabbi uga mahad naqno, wanaagana badino, xumaanta iska reebno gacmaha la is qabsado danta guudna laga shaqeeyo, maamulkiinana aad la shaqeysaan” ayuu sii raaciyay